Maraykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay masuuliyadda weeraro dhanka internetka ah oo lagu qaaday Maraykanka saacadihii lasoo dhaafay.
Waxa lagu tilmaamay weeraradii ugu xumaa abid ee lala beegsado dawladda Maraykanka.
Mike pompeo, xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka oo hadlay ayaa si aan gabasho lahayn Ruushka ugu eedeeyay weeraradan dhanka internetka ah. “Waxaanu si cad u odhan karnaa, in Ruushku uu ka danbeeyay weerarkan” ayuu yidhi Pompeo.
Mike Pompeo muu bixin tafaasiil kale oo la xidhiidha eedaymaha culus ee uu u jeediyay xukuumadda Moscow.
Dawladdu Ruushku waxay si adag iyaduna u beenisay eedaymaha ka dhanka ah ee Maraykanka, iyadoo iska fogaysay in ay wax kug ah ku lahady weerarada internetka ee dawlada Maraykanka.