Ciidamada Amniga Dalka Afqaanistaan Ayaa La Dagaallamaya Laba Nin Oo Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Dhismo Dawladeed Oo Ku Yaala Magaalada Bariga Afqaanistaan Ee Jalalabad,
Afhayeen U Hadlay Xukuumadda Ayaa Sheegay In Ugu Yaraan 15 Qof Ay Ku Dhinteen Weerarka 15 Kalena Ay Ku Dhaawacmeen Inkastoo Wadarta Guud Ay Kor U Kacayso Sida Ay Xaqiijiyeen Shaqaalaha Gurmadka Deg Dega Ah,
Afhayeenka Ayaa Intaas Ku Daray In Dhismaha Dadka Weerarka Soo Qaaday Ay Beegsanayeen Ku Yaalo Meel aad U Xasaasi U Ah, Oo Ay Ka Ag Dhawayeen Xarumaha Qaramada Midoobay,
Sida Laga Soo Xigtay Mid Ka Mid Ah Dadkii Ka Ag Dhawaa Goobta Weerarku Ka Dhacay, Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Weerarku Ku Bilaabmay Baabuur Madow Oo Saddex Qof Soo Fuuleen Isla Markiibana Ay Weerar Ku Qadeen Albaabka Laga Galo Dhismaha Wasaarada Arrimaha Qaxootiga Dalka Afgaanistaan.