Wararka telefishankan Saab TV kasoo gaadhaya xeebta Xamar, ayaa waxay sheegayaan in goordhowd uu qarax ka dhacay halkaasi, kadibna laga maqlay rasaas badan oo jihooyin kala duwan ka dhaceysa.

Wararka Muqdisho naga soo gaadhaya, ayaa waxay sheegayaan in rasaastu ay ka dhex dhacayso Elite Hotel, oo ah Hotel cusub oo dhawaan uun laga furay Muqdisho.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee dhashay, laakiin qaar kamid ah ciidamada Soomaaliya ayaa gaadhay goobta, waxaana ay wararka qaar kusoo warramayaan inuu socdo dagaal laba dhinac ah.

Wixii warar kasoo kordha kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga