Dhimashada illaa 3 qof ayaa la xaqiijiyay duleedka magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israel, halkaas oo weerar lagu qaaday.

Dhaawaca illaa 4 qof oo kale ayay saraakiisha caafimaadku ku warameen in weerarka ay ka dhasheen.

Nin ku hubaysan toori ayaa weerarka gaystay isagoo gaadhi ku baxsaday markii uu dadkan laayay kuwa kalana dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen ciidamada ammaanka ee Tel Aviv.

Booliska Israel waxay weerarka ku sheegeen mid argagixiso balse weli ma jirto cid ku eedeeyeen illaa hadda.

Weerarkani wuxuu yimi kadib dadka Israel ee dhulka Falastiin lagu deegaameeyay oo u dabaal degaya wax ay u yaqaanaan maalinta xornimada Israel.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga