Dhimashada ayaa sii kordhaysa gudaha magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, kadib markii qarax lala eegtay askar milatari ahayd ee wadada ku safraysay.

Qaraxa oo loo adeegsaday bambooyin lasii diyaariyay ayaa ku qarxay meel wax yar u jirtay bas ay saarnaayeen milatariga la bartilmaameedsaday.

Illaa 13 qof ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu ku waramay telefishanka dawladda ee Suuriya.

Dawladda ayaa ku warantay in weerarkani uu ahaa mid argagixiso.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay masuuliyadda weerarkan dhimashada badan keenay, balse maamulka ayaa ku tuhunsan kooxaha kasoo hor jeeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga