Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Khudnad ka Jeedinayey Furitaanka Kalfadhiga 5-naad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay wadda hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo la Filayo in uu Dhawaan dib u Furmi Doono.

Madaxwayne Farmaajo ayaa caddeeyay in Dowladiisu ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka ay Qabaan Shacabka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka midhadhaliso Wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Dhinaca Kale Waxaa naga Go’an in aan ka Midha Dhalino Wadda Hadaladda Maamulka Somaliland iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliyeed” ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Wadda Hadaladda Labadda Dhinac ayuu Hakad ku yimid Tan iyo Intii ay Taladda Labadda Dhinac la Kal Wareegeen Madaxwayne Farmaajo Madaxwayne Muuse Biixi.

Hadalkan Madaxwayne Farmaajo ayaa Kusoo Beegmaya Xili Dawladda uu Hogaaminayo Lagu Edeeyay in ay Sabab u ahayd Hakadka ku Yimid Wadda Hadaladdii u Dhaxeeyay Labadda Dhinac.

Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi Cabdi ayaa Horre u Sheegay in Dhawaan ay Dib u Bilaabmi Doonto Wadda Hadaladii Labadda Dhinac isla Markaana ay Qayb ka Naqon Doonaan Qaar kamida Dawladaha Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga