Nin  ku nool dalka Shiinaha  ayaa guursaday maydka gabadh u doonanayd oo ay guur ku ballameen , waxaana guurku uu dhacay intii uu socday aaska gabadhu , waxaana  uu muujiyay jacaylka uu u qabay iyada oo uu geeriyootay Kansarka naasaha ku dhaca.

Caruuska aad u murugeysnaa  Xu Shiman oo 35 jir ah, ayaa  rejaynaya in xaflada guurku ay ahayd xaqiijinta riyada gabadhii uu doonanayd oo ahayd  in ay mar uun caruus noqoto.

Maydka  gabadha uu saaxiibka   Xu la ahaa 12 sanno Yang Liu  ayaa loo xidhay toob cad ee caruusada loogu talagalay , waxaana lagu wareejiyay  ubaxyo markii Xu uu akhriyay fariinta wacadka uu ku galay guurkeeda sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Shiinaha.

Munaasabad loo qabtay aaska  ayaa ka dhacday magaalada Dallian  oo ku taalla Bariga Shiinaha , waxaana  goob joog ka ahaa qoysaska lamaanaha iyo asxaabtooda.

Xu waxa   uu yidhi ha ii warwarin xaaskaygaay , noloshaydu waxa  ay noqon doontaa mid xanuun badan isna dhiibi maayo.

Yang waxa  ay dhimatay  14 October iyada oo da’adeedu ahayd 34 jir , waxaana    ay la tacaalaysay Kansarka shan sanno iyo badh.

Xu waxa  uu sheegay in uu 24 ka saacadood dul  joogi jiray 7 maalmood maydka Yang.

 Waxa  kale oo uu sheegay in ay  u sheegtay isaga in aan cidna  u ooyin oo ay dhimanayso, isuguna  oo ilmada ceshaday.

Waa ay is  yaqaaneen waxa  ay ka sheekaysan jireen  khadka internet-ka iyaga  oo jaamacada isku fasal ahaa 2007.

Guurkoodu ayay qorsheeyeen 2013 bishii August,laakiin noloshooda ayaa xaga kale isu rogtay ka dib markii Yang ay xanuunka ka dareentay laabta.

Caruursada  oo 28 jir wakhtigaasi ahayd, ayaa qaaday Kansarka naasaha ku dhaca , waxaana   ay martay qaliiino kala duwan,laakiin weligood ma ooyin waana ay dhoolacadeyn jirtay.

 Sannadkii 2017  waxa soo hagaagtay xaadalada Yang , waxa   ay uruursadeen lacag iyaga oo mar kale arooska  isu diyaariyay, Laakiin nasiib daro waxa soo laabtay Kansarkii sanad ka dib  , waxa ay tageen cisbitaalo ku yaaalla Shiinaha si ay u helaan talo caafimaad .

Yang  waxa ay xaaladeedu ka sii dartay bishii May , waxaana  ay sariir yaal noqotay bishii July.

Xu  waxa  uu sheegay in uu oofiyay ballankiisii ahaa  in uu iibin doono toobka ugu qaalisan ee caruusaduhu ku aqal galaan .

 Dad badan oo ku nool  Shiinaha ayaa sheekadan lamaanaha ku wadaagay baraha bulshada .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga