Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, oo ka hadlayay go’aamadii ay soo saareen guddidii dhexdhexaadinta ee xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo xukuumadda, ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan ay raaci doonaan sharcigu waxa uu ka qabo, isagoo xusay inay ixtiraami doonaan hadalka kasoo yeedhay guddida dhexdhexaadinta.

Wasiirka, ayaa sheegay inay arrintaasi ay tahay mid sharci ah, sidoo kalena ay wada shaqaynta xisbiyada soo dhawaynayaan.

Balse wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay duuduub ku qaateen soojeedinta guddida, balse soo jeedintaasi sida uu sheegay ay sharciga mari doonto.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa iyana dhankooda sheegay maanta, inay aqbaleen soo jeedinta guddidii dhexdhexaadinta, taasoo qodobada ugu muhiimsan ay kamid ahayd in lasoo celiyo komishankii hore ee doorashooyinka qaranka Somaliland.

Marka laga yimaad hadalka wasiirrada hadlay maanta, waxaa laga dhursugayaa tallaabada xigta ee xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradkuba ay qaadi doonaan.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga