Alle Ha u Naxaristee Waxaa Magaalada Dubia ee Wadanka Imaaraatka Carabta Ku Geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.

Geeridda Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Waxaa Warbaahinta u Xaqiijiyey Agaasimaha guud ee wasaarradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Wasiirka ayaa La Sheegayin uu muddo dheer ku soo dhax jiray dowladdihii isaga danbeeyay dalka Soomaaliya isaga oo dhowr jeer ka mid noqday golaha xukuumadda, waxaana uu ka mid ahaa wasiirradda miisaanka culus golaha xukuumadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga