Wasiirkii caafimaadka ee dawladda federaalka Itoobiya ayaa is-casiley Khamiista maanta, sida uu ku cadeeyay warqad kasoo baxday xafiiskiisa.

Dr. Amir Aman ayaa jagadan hayay tan iyo bishii April ee sanadkii 2018, wakhtigaas oo dad badani ay rejo wanaagsan ka qabeen in ninkani uu wax badan kusoo kordhin karo wasaaradda caafimaadka Itoobiya iyo guud ahaan daryeelka caafimaad ee shacabka Itoobiyaanka ah oo ah kuwa labaad ugu tirada badan dalalka qaaradda Afrika.

Wasiirka ayaa arimo shakhsi kusoo koobay is-casilaadiisa, isagoo xusay in uu sii wadi doono u adeegida dalkiisa iyo wasaaradda caafimaadka Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga