Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa si toos ah ula sii hadashay ciyaaryahannada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe, halkaas oo maanta ay ciyaari ku dhex mari doonto xulka dalkaas.

Telefishanka Qaranka Soomaaliya, ayaa baahiyay muuqaal wasiiradda oo ciyaaryahannada ku dhiirrigelinaysa guusha sidii ay u hantin lahaayeen, iyadoo sheegtay inay halkaa soo gaadhsiiyeen magac Soomaaliyeed oon la helin 35 sanno.

Wasiiradda ayaa si dareen leh ula hadashay ciyaartooyada, iyadoo duco ugu soo gunaannadday.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga