Sida ay Baahiyeen Wasiirka Arimaha Dibada Eritrea iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia, waxaa maanta magaaladda Jabuuti ee Caasimada Dalka Jabuuti U Ambabaxay Wasiirada Arimaha Dibada Ee Dawladaha Somalia Ethopia iyo Eritrea.

Ujeedka ay Wasiiradani Ku Tagayaan waddanka Jabuuti ayaa Lagu Sheegay Dhexdhexaadin ay Somalia iyo Ethopia Ka Dhex wado Dawladaha Eritrea iyo Jabuuti oo Mudo Badan uu Kala Dhexeeyay Muran Dhinaca Xuduudaha Ahi.

Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa Hore U sheegay In Dawlada Somalia ay Dadaal ugu Jirto Sidii Nabad Loogusoo Dabaali Lahaa Muranka Dhinaca Xuduudaha Ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga