Wasiir ka tirsan dawladda Madagascar ayaa dabaalanayay muddo ka badan 12 saacadood oo xidhiidh ah kadib markii diyaarad uu saarnaa oo nooca qummaatiga u kaca ahayd ay ku burburtay badda dusheeda.

Waxa sidoo kale ka badbaaday mashaqadan sarkaaal kale oo ciidan oo la safrayay wasiirka booliska ee Madagascar.

Waxay ku jireen haw gal badbaado iyo indha indhayna h xiliga ay la burburtay diyaaradda ay saarnaayeen, iyagoo kor meerayay xaaladda markab ku degey xeebaha dalkaas oo dhimashadiisu ay imika kor u dhaaftay 85 qof.

Wasiir Serge Gelle oo jira 57-sanno oo hadlay kadib markii uu soo badbaaday wuxuu xusay in diyaaradda ay saarnaayeen ay hafiyeen dabaylo iyo jihada oo ka luntay xili habeenimo ah.

Madagascar waa dal jasiirad ah oo dhaca Badweynta Hindiya, meel 400km u jirta xeebaha Bariga Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga