Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa maanta ugu geeryooday xanuunka  Coronavirus ugu magaalada Muqdisho.

Geerida wasiirka ayaa waxaa lagu xaqiijiyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland, oo lasoo dhigay bog ay ku leedahay facebook.

Qoraalka madaxtooyada Puntland kasoo baxay, ayaa u dhignaa sidan:

‘’Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo goordhoweyd caabuqa covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho’’

Allah ha u naxariistee waxaa isna xanuunka Coronavirus Muqdisho ugu geeryooday, wasiiru dawlihii hore ee caddaaladda maamulka Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin, 12-kii bishii Abriil, geerida wasiir Gama’diid ayaana noqonaysa geeridii labaad ee wasiir maamul-goboleed uu u geeryoodo xanuunka Covid-19.Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in guud ahaan cudurka COVID-19 ay u dhinteen  61 qof, halka tirada dadka uu ku dhacayna kor u dhaafayaan 1,594 kiis, Soomaaliya waxay sheegtay inay cudurkan ka bogsadeen dad dhan 204 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga