Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somalia Iyo Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Ciidamo La Wareegay Xarunta Golaha Shacabka Ayaa Sheegay In Ciidamo Booliis Ah Ay Xoojiyeen Oo Kaliya Ciidamadii Hore U Sii Jooogay Baarlamaanka Somalia,

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia Ayaa Sheegay In Ciidamada La Geeyay Xarunta Golaha Shacabka Ay Yihiin Kuwo Sugaya Amniga, Isla Markaana Uu Ahaa Amar Ka Yimid Wasaaradda Amniga,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Oo Shir Jaraa’Id Ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa Ku Eedeeyay Ra’Iisul Wasaaraha In Ciidamo Uu Diray Ay La Wareegeen Xarunta, Isla Markaana Wixii Ka Dhaca Uu Mas’Uul Ka Yahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga