Wargayska kasoo baxa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga ee ArabNews ayaa maalintii Khamiista daabacay qormo ay badi dadka Soomaalida ahi ka cadhoodeen.

Wargayska ayaa sheeko ka qoray guushii ay soo hooyeen xulka qaranka Soomaaliya, kuwaas oo dalka Zimbabwe kaga adkaaday 1-0. Sheekada ayuu ciwaan uga dhigay ‘SOOMAALIYADA AAN HOYGA LAHAYN/DARBI-JIIFKA AH OO SI LAAYAAB LEH UGA BADISAY ZIMBABWE’.

ArabaNews waxay ciwaankeeda ku sababaysay in aanay xulka qaranka Soomaaliya ku ciyaari karin hoygooda, isla markaana ay ku dheelaan dalka Jabuuti, taas oo keentay inuu ku tlmaamo hoy-la’aan.

Dadka Soomaalida ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa soo dhigay qoraalo tiro badan oo ay ku dhaleecaynayaan wargayska, iyadoo difaacay dalkooda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaadhay dalka Zimbabwe, iyadoo badisay ciyaarteedii ugu horeysay taariikhda ee ka tirsan is-reeb-reebka koobka adduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga