Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegtay in 24kii saacadood ee u danbeeyey baadhitaan lagu sameeyey 80 qof gudaha Somaliland, isla markaana laga helay xanuunka Covid-19 sideed iyo toban qof (18). Dhamaantood dadkaasi waxay u dhasheen Somaliland. Bukaanadan 10 qof waa rag, 8 qofna waa dumar.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(1jir ilaa 9jir = 1 qof)
(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 6 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin magaalooyinka Hargeysa, 13 qof iyo Borama oo ah 5 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay afar iyo konton (54).

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga