Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus adduunka oo dhan ayaa kor u dhaaftay 2.7 Milyan oo qof, dalka Maraykanka, ayaa ah midka ugu badan dadka uu ku dhacay, in ka badan 869,172 qof, ayaa la xaqiijiyay inay qabaan Maraykanka.

Dalalka Spain, Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka iyo Ingriiska ayaa ku xiga Maraykanka marka ay noqoto xagga tirada dalalka uu ku dhacay Coronavirus adduunka oo dhan.

Guud ahaan caalamka oo dhan,  in kabadan 192,000, ayaa u geeryooday xanuunkan, iyadoo dhanka dhimashada ay ugu badan yihiin dalalka Maraykanka, Tayaaniga, Spain, Faransiiska iyo Ingriiska.

Magaalada New york oo keliya, ayaa waxaa Corona ugu dhintay in kabadan 16,388 qof.

Dadka kasoo kabtay xanuunka Coronavirus dunida oo idil, ayaa kor u dhaaftay 762,000 oo qof.

Tirikoobyadan oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo is bedbedalaya saacadba saacadda ka dambaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga