Guud ahaan adduunka, tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa waxay kor u dhaaftay 4.56 Milyan oo qof, dadka ka bogsaday Corona, ayaa cagagacaynaya 1.65 Milyan caalamka oo idil, halka dadka u geeryooday adduunyada oo dhanna ay gaadhay 308,000 oo ruux.

Dalka Maraykanka, ayaa weli kujira kaalinta koowaad dalalka ay kunool yihiin dadka uu ku dhacay dadka ugu badanina ku geeryoodeen, halkaasi oo ay tirada dadka uu ku dhacay ay ka badan tahay 1,400,000 oo ruux, kuwa u dhintay Corona Maraykanka, ayay tiradoodu ku dhowdahay 88,000 oo qof, magaalada New york oo keliya, ayaa waxaa Corona ugu geeryooday 27,878 qof.

Dalalka kusoo xiga Maraykanka, marka ay noqoto dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintayba, ayaa kala ah dalalka Ruushka, Ingriiska, Spain, Talyaaniga, Brazil iyo Faransiiska.

Haayadaha iyo wasaaradaha caafimaadka ku shaqada leh ee dunida, ayaa dadka ku boorrinaya inay qaadaan tallaabooyinka ay ku ilaalinayaan fayo-dhawrkooda, sida inay faraxashaan, afka iyo sanka daboolaan kala fogaanshahana ku dedaalaan.

Somaliland Waxay sheegtay inay heshay tiradii ugu badnayd ee Coronavirus laga helo, halka wasaaaradda caafimaadka Soomaaliyana ay sheegtay in 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay la helay 73 kiis oo Corona ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga