Guud ahaan adduunka tirada dadka la xaqiijiyay inay qabaan xanuunka Covid-19, ayaa kor u dhaaftay 4.4 Milyan oo ruux, dadka ka bogsaday xannuunka dunida oo idil, waxay ka badan yihiin 1.59 Milyan oo qof, halka kuwa u dhintayna ay kusii siqayaan 303,000 oo ruux.

Maraykanku, waa dalka ugu badan ee ay kunool yihiin dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay, halkaasi oo ay tiradu kor u dhaaftay 1,417,889 qof, kuwa u dhintay Coronavirus Maraykanka gudihiisa, ayaa lagu sheegay inay yihiin 85,946 ruux.

Magaalada New york oo keliya, ayaa waxaa Corona ugu dhintay 27,641 qof.

Dalalka kusoo xiga Maraykanka xagga dhimashada iyo dadka uu ku dhacayba, ayaa kala ah, Ruushka, Ingriiska, Spain, Talyaaniga, Brazil iyo Faransiiska.

Waaxaha xakamaynta xanuunka ee dalalka adduunka, ayaa dadkooda u sheegay sida ugu habboon ee ay uga fogaan karaan xanuunka iyagoo ku boorinaya inay kala fogaadaan, gacmaha dhaqaan isla markaana afka iyo sanka duubtaan.

Haayadda caafimaadka adduunka ee WHO waxay hore u sheegtay in Coronavirus laga yaabo inaanu dunida ka tegin, halka jasiiradda Madagascarna ay sheegtay inay heshay dawo lagula tacaali karo Covid-19.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga