Sida ay sheegayso warbixintii ugu dambaysay xanuunka Coronavirus adduunka oo dhan, dad ka badan 4.3 Milyan ayuu ku dhacay xanuunku, tirada dadka ka bogsaday, waxay kor u dhaaftay 1.5 Milyan, waxaana u geeryooday dunida oo idil dad ka badan 297,000 oo ruux.

Tirada dadka uu ku dhacay Corona dalka Ruushka, ayaa dhaaftay 250,000 oo qof, qaramada midoobay waxay sheegtay in dad ka badan 34.3 Milyan oo ruux ay ku dhici doonaan faqri daran iyadoo Brazil noqotay dalka 6aad dalalka uu aadka u saameeyay xanuunka Coronuhu.

Maraykanku wuxuu Shiinaha ku eedeeyay inuu xaday cilmi baadhis la xidhiidhay Coronavirus, Japan waxay qaadday xaaladdii degdegga ahayd ee Corona loo soo rogay, halka Finland ay dib u furayso dugsiyadii waxbarashada inkasta oo ay jiraan digniino la xidhiidha xanuunku.

Dalalka ugu badan Coronavirus guud ahaan adduunka oo dhan, ayaa kala ah, Maraykanka, Ruushka Ingriiska, Spain, Talyaaniga iyo Brazil.

Warbixinaha dadka uu ku dhacay, kuwa ka bogsaday iyo kuwa u dhintay, oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo isbedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga