In ka badan 3.5 Milyan oo qof ayuu ku dhacay Coronavirus guud ahaan adduunka oo dhan.

Waxaa ka bogsaday oo xanuunka ka kacay dad tiradoodu kor u dhaafayso 1.1 Milyan caalamka oo idil, halka ay u geeryoodeen dad ka badan 247,000 oo qof adduunyada oo idil.

Dalal dhawr ah, ayaa khafiifiyay xayiraadaha Coronavirus dartood loo soo rogay, Talyaaniga ayaa hormood u ah Yurub marka ay noqoto khafiifinta xayiraadaha.

Raysal-wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa isna sheegay in lasii dheereeyay xaaladdii degdegga ahayd ee ay Japan kujirtay, iyadoo ay ardayda dalka Koonfurta Kuuriyana dugsiyadii dib ugu noqdeen.

Jarmalku wuxuu ka digayaa in tallaal loo helo Coronavirus uu qaadan karo muddo sannado ah, halka ay New Zealand sheegtay inaanay diiwaangelin kiisas cusub oo Coronavirus ah illaa bartamihii bishii March.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga