Guud ahaan adduunka, in ka badan 3.2 Milyan oo qof ayuu ku dhacay xanuunka Coronavirus, waxaa ka bogsaday dad kor u dhaafaaya 986,000 oo qof caalamka oo idil.

Dadka u geeryooday Coronavirus, ayay tiradoodu cagacagaynasyaa 228,000 oo qof dunida oo idil.

Dalka Koonfurta Kuuriya, ayaa sheegay inaanay diiwaangelin kiisas cusub oo Coronavirus ah, halka Japan ay qaadayso xayiraadihii xanuunka Coronavirus darteed todobaadka dambe.

Warar kasoo baxay dawladda Jarmalka, ayaa sheegay in dib loo furayo goobihii diimaha.

Dhimashada maalinlaha ah ee dalka Spain, ayaa gaadhay halkii ugu hoosaysay muddo 6 todobaad ah.

Indonesia ayaa sheegtay in caabuqu kor u dhaafay illaa 10,000, halka Qatar ay sheegtay inay soo saartay qalab cusub oo ah mishiinnada neefta.

Dalka Yemen, ayaa laga diiwaangeliyay labadii kiis ee ugu horreeyay kuwaas oo u geeryooday Coronavirus.

Warbixinaha dadka uu ku dhacay, kuwa ka bogsaday iyo kuwa u geeryooday oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo isbedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga