Guud ahaan adduunka, dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa kor u dhaaftay 2, 828, 772 qof, dalka Maraykanka, ayaa ah midka ugu badan dadka uu ku dhacay xanuunkani, halkaasi oo ay tiradu cagacagaynayso 905, 364 qof.

Spain, ayaa ku xigta Maraykanka, halkaas oo ay tiradu marayso 219, 764 qof, halka Talyaaniga oo ah dalka saddexaad ee ugu badan dadka uu ku dhacay Coronavirus-na ay dhaaftay 192, 994 qof.

Faransiiska, ayaa ah dalka afaraad, halkaas oo uu Corona ku dhacay 159,952 qof, halka Ingriiskana ay tirada kor u dhaaftay 144,640 qof.

Guud ahaan dadka u dhintay Coronavirus dunida oo idil, ayaa cagacagaynaysa 197, 924 qof.

Maraykanka, ayaa ah dalka ugu badan dhimashada Corona-ha, halkaasi oo ay tiradu kor u dhaaftay 52,000 oo qof.

Talyaaniga ayaa soo labeeya Maraykanka, iyadoo ay ku geeryoodeen 25,969 qof, Spain ah dalka saddexaad xagga dhimashada waxaanay tiradu maraysaa 22,524 qof, halka Faransiiska ay cagacagaynayso 22,245 qof.

Ingriiska ayaa waxaa Corona ugu geeryooday in ka badan 19, 500 oo qof.

Guud ahaan adduunka ayaa waxaa Coronavirus ka bogsaday in ku dhow 800,000 oo qof adduunka oo dhan.

Warbixintan oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah mid is bedbedelaysa saacadba saacadda ka dambaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga