Caalamka oo dhan, dadka uu ku dhacay coronavirus, ayaa waxay gaadheen 5.92 Milyan, dadka ka bogsaday Corona-ha dunida oo dhan ayaa cagacagaynaya 2.49 Milyan, halka ay u dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 364, 000 ruux.

Maraykanka, dhimashadu waxay gaadhay 102,836 qof, halkaasi oo laga helay dad tiradoodu ka badan tahay 1, 747, 087 qof, boqortooyada UK waxaa Coronavirus ugu geeryooday dad tiradoodu ka badan tahay 38,243 qof, iyadoo ay Talyaaniga Corona ay  ugu geeryoodeen dad ka badan 33,229 ruux.

Maraykanka, Ingriiska iyo Talyaaniga, ayaa ah  kuwa ugu dhimashada badan, balse iyana waxaa jira dalal kale oo ay dhimashada iyo dadka uu ku dhacayba badan tahay, dalalkaasi safka hore kujira, ayaa waxaa kamid ah Brazil, Ruushka, Spain, Faransiiska, Jarmalka iyo Belgium.

Sidii aannu ku sheegnay warbxinaha maalin laha ah, tirada meelaha qaar dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay Corona, ayaa hoos usoo dhacaysa, taasi oo qalbiga u dejisay dadwaynaha dunida oo idil, balse nasiib darro haddana waxaa kor u sii kacaya tirada meelo kale oo aanu xanuunku ka jirin amaba ay yaraayeen dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintayba.

Tirikoobyadan, oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo isbedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga