Xuutiyiinta ka dagaallanta dalka Yemen ayaa gantaal ku riday taliska ciidamada dawladda uu Sacuudi ka dambeeyo gobolka Maraarib.

Gantaalka ay Xuutiyiintu rideen, ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inuu sababay geerida illaa todoba qof, halka ay ku dhaawacmeen dhawr kale.

Dhacdadan, ayaa imanaysa xilli maalintii Salaasada ay soo dhammaatay muddo bil ah oo ahayd xabbad-joojin lagu dhawaaqay 24-ka bishii April, taas oo u dhexaysay Ciidamada uu Sacuudigu hor kacayo iyo kooxda Xuutiyiinta, xabad-joojintaasi oo lagu sheegay inuu kallifay safmarka Coronavirus.

Wakaaladda wararka  AFP ayaa sheegtay in dadka ku geeryooday duqayntani ay yihiin askar katirsan dawladda Yemen, wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa sarkaal sare oo katirsan  ciidanka Yemen, ayaa u xaqiijiyay inay tiradu tahay 8 askari tirada dadka lagu laayay.

Sarkaalka ay AFP soo  xigatay, ayaa sheegay in gantaalka ay soo rideen Xuutiyiintu uu ahaa nooca layidhaa Ballistic-gga.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa halis galiyay nabadgeliyada gobolka Ma’aarib. Yemen ayaa noqotay dal ay kala qaybiyeen xulafada uu Sacuudigu horkacayo iyo kooxda Xuutiyiinta oo halkaasi si wayn ugu dagaallamaya, taasi oo sababtay inay kumannaan qof kala baxaan nafahooda halka ay Malaayiin kalena ku macaluuleen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga