Guud ahaan tirada dadku uu ku dhacay xanuunka Coronavirus caalamka idil, ayaa waxay gaadhay 5.4 Milyan, dadka ka bogsaday Corona-ha dunida oo dhan ayaa cagacagaynaysa 2.17 Milyan, halka ay u dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 345,000 oo ruux.

Waxay ahayd uun maalintii shalay markii dawladda Hindiya ay diiwaangelisay tiradii ugu korodhka badnayd, iyadoo meelaha qaar adduunka Muslimiintu u dabbaal degayaan maalintii saddexaad ee Ciidda, halka ay meelo kalena u tahay maalintii labaad munaasabadda ciidal Fidri xilli  si wayn looga cabsi qabo faafista fayraska Corona.

Boqortooyada UK waxaa Coronavirus ugu geeryooday dad tiradoodu ka badan tahay 36, 875 qof balse, Dalka Maraykanka, ayaa ah dalka ugu badan  dadka ugu badan dhimashada iyadoo dadka uu ku dhacayna ay marayaan 1.6 Milyan, Maraykanka, ayaa waxaa Coronavirus ugu geeryooday sida ay sheegtay tirikoobkii ugu dambeeyay maanta oo ay bishu tahay 25  in ka badan 97,700 oo qof.

Dalalka Maraykanka kusoo xiga waxay kala yihiin Brazil, Ruushka, Ingriiska, Spain, Talyaaniga, Faransiiska, iyo Jarmalka.

Tirada meelaha qaar dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay Corona, ayaa hoos usoo dhacaysa, taas oo ah wax lagu farxo, balse nasiib darro haddana waxaa kor u sii kacaya tirada meelo kale oo aanu xanuunku ka jirin amaba ay yaraayeen dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintayba.

Tirikoobyadan, oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo isbedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga