Guud ahaan adduunka, dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa kor u dhaafay 5.11 Milyan oo qof.

In ka badan 1.9 Milyan oo qof, ayaa ka bogsaday Corona-ha, halka ay u geeryoodeen dad kor u dhaafaya 333,000 adduunyada oo idil.

Dadka u geeryooday Coronavirus ee dalka Ingriiska ayaa kor u dhaaftay 36,000 oo qof, Dalal badan oo kamid ah qaaradda Yurub ayaa khafiifiyay xayiraadaha loo soo rogay xanuunka Coronavirus dartii, iyagoo walaac ka muujinaya soo laba kaclaynta xanuunkan..

Maraykanka, ayaa ugu badan dadka u dhintay Coronavirus iyo dadka uu ku dhacayba xanuunku, halkaasi oo dadka uu ku dhacay ay marayso tiradoodu 1.57 Milyan oo ruux, iyadoo ay u geeryoodeen tiro ka badan 94,729 qof.

Dalalka Maraykanka kusoo xiga xagga dhimashada, ayaa kala ah dalalka , Ruushka, Brazil, Ingriiska, Spain, Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Belgium.

Tirikoobyada xanuunka Coronavirus, oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Jonhs Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo isbedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga