Dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus adduunyada oo idil, ayaa gaadhay 5 Milyan, waxaa la xaqiijiyay inay ka bogsadeen xanuunka caalamka oo idil dad tiradoodu ka badan tahay 1.9 Milyan, iyadoo ay u geeryoodeen tiro ka badan 328,000 oo qof.

Iran waxay sheegtay in tiro ka badan 10,000 oo shaqaalaheeda caafimaadka laga helay xanuunka, Indonesia-na waxay diiwaangelisay tiradii ugu badnayd maalin kaliya, taas oo ah 973 qof.

Ruushku, wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay dhimashadu gaadhay 3,000 oo qof, shaqaalaha Caafimaadka UK waxay bilaabeen tijaabinta dawada Hydroxycholoroquine.

Giriiggu, wuxuu damacsan yahay inuu furo dalxiiska bisha Juun.

Dalka ugu horreeya xanuunka Coronavirus dunida oo idil, ayaa ah Maraykanka, halkaasi, oo dadka uu ku dhacay xanuunku ay gaadheen 1,551,853 qof, dadka u dhintay Coronavirus Maraykanka, ayay tiradoodu cagacagaynaysaa 93,439 qof.

Dalalka kusoo xiga Maraykanka marka ay noqoto dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintayba xanuunka, ayaa kala ah Ruushka, Brazil, Ingriiska, Spain, Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka.

Inkasta oo ay hoos usoo dhacayso tirada dadka uu ku dhacayo  xanuunku meelaha qaar adduunyada, ayaa haddana waxaa kor usii  kacaya meelo kale oo isla adduunyada uun kamid ah, kuwaasi oo u badnaa inaanu xanuunku markii hore kaba jirin, amaba ay yaraayeen tirada dadka uu haleelay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga