Guud ahaan adduunka, tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa kor u dhaaftay 4.1 Milyan, iyadoo ay xanuunka ka bogsadeen dad ka badan 1.4 Milyan, dadka u geeryooday ayay iyana tiradoodu dhaaftay 283,000 oo ruux.

Faransiiska iyo Spain waxay bilaabeen khafiifinta xayiraadihii loo soo rogay Corona-ha, halka ay dalwadda Tunisia sheegtay inaanay diiwaangelin haba-yaraatee kiisas cusub oo Corona ah tan iyo bishii March.

Turkiga, ayaa khafiifiyay xayiraadaha meelaha qaar, iyadoo dib loo furay meelihii waawaynaa ee laga adeegan jiray.

Hindiya, tareennada ayaa shaqada si qunyar qunyar ah shaqada u bilaabaya, halka Pakistanna ay dukaamada dib u furayso, taas oo qayb ka ah khafiifinta xayiraadaha.

Shiinuhu wuxuu diiwaangeliyay kiisas cusub oo Coronavirus ah, gaar ahaan bartii uu kasoo bilaabmay ee magaalada Wuhan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga