Waxa Kor Kor U Kacaya Dhimashada Dadka Ku Dhintay Dhul Gariir Maalintii Jimcaha Ku Dhuftay Jasiiradda Sulawasi, Ee Dalka Induniisiya.

Dhimashada Ayaa Haatan Maraysa In Ka Badan 1200 Oo Qof, Walina Waxa Laga Cabsi Qabaa In Maydad Kale Ay Ku Hoos Jiraan Dhisamayaasha Burburay. Dhul Gariirka Ku Dhuftay Jasiiradda Ayaa Cabbirkiisu Ahaa 7.5 Darajo.

Dadkii Ka Badbaaday Masiibadan Ayaa Waxa Ku Habsatay Cunto Yaraan, Koronto La’aan Iyo Shidaalkii Oo Go’ay. Waxa Iyaduna Dhaawac Weyn Uu Soo Gaadhay Cisbitaalkii Magaalada, Waxaana Dhaawacyada Lagu Dawaynayaa Teendhooyin Laga Dhisay Meelaha Ay Dadku U Qaxeen.

Hay’adda Bisha Cas, Ee Dalka Induniisiya, Ayaa Sheegtay In Ay Heleen Maydad 34 Arday Oo Wax Ka Dhiganaayay Dugsi Hoos Yimaadda Kaniisad Magaalada Ku Taallay. Waxaana ay Sheegeen In Dugsigaasi ay Ku Jireen Arday Gaadhaysa 86 Arday, Ilaa Haatanna aan Raq Iyo Ruux Toona La Hayn Halka Ay Ku Dambeeyeen 52-Kii Kale Ee Arday.

Kooxaha Samatobixinta Ee Ku Hawlan Badbaadada Dadka Ku Xanniban Dhisamayaasha Burburay, Ayaa Baadigoob Ugu Jira Sidii Ay U Soo Badbaadin Lahaayeen Dadkaasi.

Hudheel Kamid ahaa Kuwa Raaxada Ee Ugu Caansan Dalka Induniisiya, Oo Ka Koobnaa 4 Dabaq, Isla Markaana Ay Ku Sugnaayeen 50 Qof, Ayaa Laga Baadhayaa Burburka Dhimsmaha Hoostiisa 50-kii Qof ee daganaa.

Xidhiidhka Isgaadhsiinnta Ayaa Go’ay, Waxaana Jira Roobab Iyo Dhoobo Ay Ka Tageen Mawjadihii Badda Ee Soo Galay Gudaha Magaaladda.

Dadka Badbaaday, Ayay Adag Tahay Si Loo Wada Gaadhsiiyo Gagaarka Ay U Baahan Yihiin. Ciidamada Milatariga Oo Ka Qayb Qaadanaya Gaadhsiinta Gargaarka Dadka Ayaa Dadaal Ugu Jiraan, In Ay Dadka Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca Ku Gaadhsiiyaan Cunto Iyo Dhar Ay Ka Gashadaan Roobabka Socda Iyo Dhaxamaha. Sidoo Kale Diyaaradaha Ciidamada Ayaa Lagu Qaadayaa Dadka Ay Dhaawacyadooda Halista Yihiin.

Hay’adda Save The Children, Ayaa Sheegtay In Masiibadani Ay Saamayn Xun Kaga Tagi Doonto Carruur Badan, Oo Waalidiintoodi Ku Dhinteen, Iyo Guud Ahaan Carruurta La Kulmay Mashaqadani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga