Weli madaarka magaalada Kabul ee caasimadda Afkaanistaan ayaa ah mid jahawareer xoogani ka taaganyahay, kadib weeraro halkaas lala eegtay saacadihii lasoo dhaafay.

Illaa shan madfac ayaa lala beegsaday magaalada Kabul, iyadoo badi aanay gaadhin meelaha loogu talo galay oo madaarka Kabul ka mid yahay.

Saacadaha soo socda ayaa laga cabsi qabaa in weeraro kale ay ka dhacaan madaarka Xamiid Karsaay, iyadoo maanta ay tahay maalinta ugu danbaysa ee daadguraynta dadka qaxaya.

Lama oga cidda ka danbaysay weerarada saacadihii lasoo dhaafay, alse waxay u badantahay kooxo ka aargoosanaya Maraykanka, inta aanu ka ixin Afkaanistaan.

Maraykanka ayaa sii wada daadguraynta dadka iyadoo laga dejinayo meelo kala duwan oo dunida ah, halkaas oo dawladda Maraykanku ay ku ilaalin doonto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga