Magaalada Muqdisho gaar ahaan qasriga madaxtooyada waxa ka socday shirar iyo wada hadalo u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo raysalwasaaraha xil gaadhsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo lagu xalinayay khilaafka u dhaxeeya.

Ilo kulanka ka ag dhow ayaa SAA TV u sheegay in natiijo la’aan ay ku dhamaadeen kulamada dhex dhexaadinta ahaa oo ay soo agaasimeen xubno ka mid ah maaxeynayaasha maamul goboleedyada.

Farmaajo ayaa diiday in baadhitaan lagu sameeyo kiiska ikraan Tahliil wuxuuna sidoo kale ku adkaystay taliyaha uu magacaabay ee NISA. Halka Rooble uu isna sheegay in baadhitaanka kiiska Ikraan Tahliil uu yahay lama-taabtaan, isla markaana NISA uu hogaaminayo taliyaha uu magacaaay.

Kulamada oo saacado badan qaatay ayaa lagu kala kacay, lamana oga in dhinacyadu ay kulan kale iskugu iman doonaan xili ay kala fogyihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga