Magaalada Muqdisho waxa weli kasocda waan waan iyo dhex dhexaadin ay wadaan xubno kala duwan oo raba in xal loo helo khilaafka mugga leh ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysalwasaaraha xil gaadhsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Warar hoose oo Saab TV uu ka ehlay kulamo xalay socday waxay tilmaamayan in labada dhinac ay sidii hore iskagasoo dhawaadeen, iyadoo aan waxba laisla qaadan balse laga shaqaynayo sidii la iskugu afgaran lahaa shuruudo la sheegay in dhinacyadu ay kal wataan, ka hor inta aan la isasoo hor fadhiisin Rooble iyo Farmaajo.

Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor, iyo gudoomiyaha baarlamanka, Mursal, oo ay weheliyaan laba xubnood oo ka kala socda Farmaajo iyo Rooble ayaa la kulmay dhinacyada, iyadoo arimaha ugu waawayn ee laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen wasiirka amniga Cabdullaahi Nuur iyo ku simaha hay’adda NISA, Bashiir Goobe oo Farmaajo aanu ogolayn in ay sii hayaan jagooyinkaas.

Waxa jira kulamo kale oo loobalansanyahay, kuwaas oosiw ayn loogu dhegtaagayo waxa kasoo bixi doona.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga