Rag hubaysan ayaa weeraro kala duwan ku qaaday badhtamaha magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria habeenimadii xalay.

Illaa afar qof ayaa lagu dilay rasaas ay raga weerarada qaaday ku fureen dad shacab ah, halka tobanaan qof oo kalena loo qaaday cisbitaalada kadib dhaawacyo soo gaadhay. Dadka la dhaawacay waxa ku jira sarkaal booliska ka tirsan.

Booliska caasimadda Vienna ayaa ku raad jooga kuwa weerarka ka danbeeyay

Boolsika ayaa sheegay in ay dileen mid ka mid ah raga weerarka soo qaaday. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen in nin ka mid ahaa uu ka tirsanaa kooxda Daacish ee Ciraaq, balse faahfaahin kale iyo caddayn kumay darin.

Hogaamiyayaasha Yurub, Maraykanka iyo wadamo kale ayaa weeraradan cambaareeyay, waxayna tacsi u direen guud ahaan dadka reer Austria.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga