Magaalada Muqdisho waxa ka socda diyaar garowga Shirka Wada-tashiga ee uu hore ugu baaqay raysalwasaare Rooble.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ahaa masuulkii ugu danbeeyay ee Muqdisho gaadha qaybna ka ah Shirka Wada-tashiga.

Laftagareen ayaa hore u diiday Shirka oo uu la saftay dhanka madaxweyne Farmaajo.

Weli ma jiro wakhti rasmi ah oo loo dajiyay in shirka ka qabto, balse warar aanu ka helnay Muqdisho iyo Shirka ayaa sheegaya in todobaadkan lagu wado in Shirka la gudo galo kadib la tashiyo iyo wada xaajood ka horeeya.

Wada hadalka ayaa dhex maraya raysalwasaaraha iyo xubnaha Shirka diidanaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga