Kabul waxa lasoo celiyay daadguraynta dadka qaxaya, kadib qrax xoogan oo shalay ka dhacay madaarka Xamid Karzaay ee magaalada caasimadda ah.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii shalay madaarka Kabul lagu qaaday, waana farac kooxda kamid ah oo degen gudaha Afkaanistaan.

War ay soo saartay Daacishta Khuraasaan oo ah faraca weerarkan gaystay waxay ku sheegeen in ay beegsanayeen turjumaanadii iyo xulafadii reer Galbeedka ee laga daad guraynayo gudaha Afkaanistaan, ka hor inta aanay Daalibaan aasaasin dawlad Islaami ah.

Weerarka waxa lagu dilay 73 qof oo u dhashay dalka Afkaanistaan iyo 13 ka mid ah milatariga Maraykanka ee sugayay ammaanka madaarka Kabul.

Waxay u ahayd Maraykanka mid ka mid ah maalmihii ugu dhimashada badnaa askarta Ameerikaanka ee gudaha Afkaanistaan.

Dadkadhintay waxa sidoo kale ku jiray 28 ka mid ah xoogaga Daalibaan oo qayb ahaan sugayay ammaanka madaarka Xamiid Karzaay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga