Wali waxa socda gurmadka la gaadhsiinayo dadkii ku nafwaayay qaraxii maalintii shalay ahayd ka dhacay Ex-Kontarool Afgooye ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Dadka qaar ayaa wali la’ eheladooda, iyadoo ay jiraan kooxo isku xilqaamay oo iyagu ka shaqynaya sidii ay dadku u aqoonsanlahaayeen eheladooda, maadaama maydadka qaar ay gubteen kuwo kalana uu googo’ soo gaadhay.

Dawladda Soomaaliya ayaa guddi wasiiro ah u saartay hawlaha gargaarka, iyadoo bukaanada ugu badanna la dhigay citbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee illaa hadda kasoo jawaabay musiibada ka dhalatay qaraxa oo dad badan oo Soomaali ah ku noqotay argagax kale, xili qaraxyadu ay magaalada Muqdisho noqdeen wax ay dadku la-qabsi ku sameeyeen.

Inta la xaqiijiyay dadka geeriyooday waxay kor u dhaafayaan 80 qof oo u badnaa dad shacab ah oo ku safarayay waddada, halka qaar kalana ay ka agdhawaayeen. Arday dhiganaysay jaamacadda Banaadir ayaa ka mid ahayd dadka qaraxa ku dhintay, waxaana meesha ku bas-beelay gaadhigii ay la socdeen. Wararka ayaa sheegaya in hal arday uu ka badbaaday kooxdaas ardayda ahayd AHU.

Dawladda Soomaaliya ayaa weerarka ku eedaysay in ay ka danbaysay kooxda alShabab ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda.

Waraka kasoo kordha qaraxan, waxaad markasta ka heli kartaa website-ka SAABTV.COM, oo aanu si joogta ah ugu faafin doono wararka aanu helno.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga