Dhimashada ayaa kordhaysa dalka Jarmalkabee dhaca galbeedka Yurub, kadib daadad xoogan oo ku fatahay magaalooyin dhawr ah.

In ka badan 80 qof ayaa ku nafwaayay daadadka halka boqolaal kalana la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Waa daadadkii ugu xumaa ee soo mara dalka Jarmalka muddo tobanaan sanno ah, xili khasaarauhu uu sii kordhayo.

Raysalwasaare Angela Markel ayaa ballan qaaday in xukuumadeedu ay taageero buuxda siinayso dadka ku wax yeeloobay fatahaadaha.

Gobolada Rhineland-Palatinate iyo North Rhine-Westphalia ayaa imika lagasoo sheegayaa mashaqada ugu badan gudaha Jarmalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga