Digniinaha la siinayo shacabka Yukrayn ayaa sii kordhaya iyadoo ciidamada Ruushku ay saacad walba isku fidinayaan magaalooyin dalka Yukrayn.
Ruushku wuxuu digniintii ugu danbaysay siiyay shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Kyiv, kuwaas oo uu u sheegay in ay iskaga baxaan magaalada.
Hawada sare ayaa laga arkay ciidamada Ruushka oo duleedka magaalada Kyivg ku rakibay gantaalada masaafada dheer wax ka dila, waana qorshihii ugu danbeeyay ee Ruushku uu kula wareegayay Kyiv.
5 qof ayaa lagu dilay ganata ku dhacay telefshanka Kyib halka sidoo kale 25 kale lagasoo sheegayo gudaha magaalad alabaad ee ugu wayn yukrayn, waa Kharkiv.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa khudbad u jeediyay Baarlmanka dalkiisa isagoo hanjabadihii ugu cuslaa u diray dhigiisa Ruushka Vladamir Putin oo uu u sheegay in aanu ogayn waxa dhici doona, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Putin wuxuu moodayay in Reer Galbeedku aanay wax talaabo ah qaadi doonin” ayuu yidhi Joe Biden.
Madaxweyne Biden wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in hawada Maraykanku ay ka xidhantahay diyaaradaha Ruushka oo dhan nooc walba oo ay yihiin, si al mid ah tallaabadii ay hore u qaadeen Canada, iyo badi wadamada Reer Yurub.