Dhimashada shacabka ayaa sii kordhaysa gudaha waddanka Yukrayn kadib dagaalka dalkaas ka socda oo weli la isku hub urursanayo.

Deegaanada qaar ayaa laga helayaa xabaal wadareedyo badan oo hal mar lagu aasay boqolaal qof, balse ma jirto caddayn muujinaysa cidda dishay.

Waddooyinka Bucha waxa laga helay 20 qof oo mayd ah.

Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay dhimashada shacabka.

Dawladda Ruushku waxay xustay in aanay ciidamadoodu  wax dil shacab ah ka gaysan gudaha waddanka Yurkayn.

Wada xaajoodyada labada dhinac ayaan weli laga gaadhin wax natiijo ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga