Ciidamada Yukrayn ayaa sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen gobolka Kyiv ee ay ku taalo magaalada caasimadda ah ee Kyiv, kadib ciidamada Ruushka oo ku dhawaaqay in ay ka baxayaan deegaanada Kyiv.
300 oo qof ayaa xabaal wadareed lagu aasay deegaanka Bucha iyadoo ciidamada Yukryan ay ku eedeeyeen in dadkaas ay laayeen ciidamada Ruushku.
Ma jiro war kasoo baxay dhanka Ruushka.
Madaxweynaha Yukryan ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay miinooyin badan ku aaseen deegaanada ay ka baxeen.
Dhanka wada hadalka, waxa la sheegay in Ruushku aqbalay dalabyo kooban oo ay wadatay Yukrayn balse weli ma aha kuwo la isku lahayn karo xili dagaalku sii socdo.