Hawl gal wayn oo lagu samata bixinayo dadka shacabka ah ee ku jira aaga warshadaha ee magaalada Mariupol ee dalka Yukrayn ayaa socda.

Labada dhinacba waxay fududaynayaan imika in dadka shacabka ahi ay ka baxaan aaga oo lagu wado in ciidamada Ruushka iyo kuwa Yukrayn loogu kala baxo.

Muuqaalo hawada sare laga duubay ayaa lagu arkayay dagaal xoogan oo ka socda aaga, iyadoo la arkayay duqaymo lala beegsanayo dhismayaasha warshadaha gaar ahaan kuwa birta farsameeyaa oo ay ku dhuumaalaysanayaan ciidamada Yukrayn ooo gaadhaya illaa 2,000 oo askari.

Madaxweynaha Ruushka wuxuu sheegay in Yukrayn laga rabo in ay amar siiso ciidamadeeda ku jira aagan si ay isku dhiibaan.

Dhanka kale, dawladda Jarmalka ayaa hub kale oo ah ka artilariga siinaysa ciidamada Yukrayn. Hubkan imika waxa ku jira gantaalada meel fog wax ka baabiin kara.

Mashaqadu dagaalku way sii badanaysaa mana jiraan dedaalo dagaalkan lagu joojinayo xili ay muuqato sida mar kale la iskugu hub urursanayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga