Dadkii ugu horeeyay ee rayid ah ayaa laga saaray aaga warshadaha ee magaalada Mariupol ee dalka Yukrayn, kadib ciidamada Ruushka oo ogolaaday in halkaas ay iskagasoo baxaan dadka shacabka ahi. 20 qof ayaa laga saaray hadda.

Aagan waxa ku sugan imika ciidamo gaadhaya illaa 2,000 oo askari oo kasoo hadhay ciidamadii Yukrayn ee Ruushku uu jabiyay, kuwaas oo difaacayay magaalada Mariupol.

Magaalada Kherson waxa lagusoo waramayaa in imika wixii ka danbeeya laga isticmaali doono lacagta Ruushku.

Madaarka magaalada Odesa ayay baabi’iyeen gantaalada iyo duqaymaha Ruushku kadib weeraro is daba joog ah oo ay halkaas ku qaaden.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga