Dagaalka Yukrayn ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah dalkaas.

Saacadihii lasoo dhaafay Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen magaalada Mariupol ee dekedda leh, kadib todobaado ay go’doon geliyeen ciidamada Ruushku.

Illaa 1,000 askari oo Yukrayn ah ayaa isku dhiibay ciidamada Ruushka ee qabsaday Mariupol.

Dhanka kale, waxa qarax lala eegtay markabka Moskva ee ciidamada Ruushka iyadoo dab uu qabsaday.

Maraykanka ayaa taageero dheeraad ah oo dhan $800 million u balan qaaday Yukrayn.

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay mar kale in marinada gar gaarka loo furo meelaha go’doonsan.

Ma jiro wada hadal imika u socda dhinacyada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga