Ciidamada Ruushka iyo huwanta kale ee jabhadaha u badan ee uu hore u hubeeyay waxay galeen magaalada labaad ee ugu wayn dalka Yukrayn waa Kharkiv.

Waxa la arkayay wadooyinka oo ay ku dagaalamayaan ciidamada iskasoo hor ejeda ee Ruushka iyo Yukrayn, waaxana magaaladani ay muhiimad wayn u leedahay Ruushka hadii uu gacanta ku dhigo.

Ruushku wuxuu saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaaday xarumaha saliida iyo korontada ee Kyiv iyadoo la arkayay qii isku xidhay ahwada iyo dab qabsaday xarunta ugu wayn saliida Yukrayn oo ku taala duleedka magaalada caasiamadda ah ee Kyiv.

Qaramada Midoobay waxay sheegaysaa 240 qof oo ku dhintay dagaalka, balse Yukrayn ayaa sheegaysa tiro intaas ka badan.

Ciidamada NATO waxay markii ugu horaysay hub toos ah u direen dagaalka ka socda Yukrayn. Jarmalka ayaa 1,000 hubka taangiyada lagula dagaalamo ah u gudbiyay ciidamada Yukrayn, wuxuu sidoo kale u gacan galiyay 500 oo ka mid ah gantaalada hawada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga