Dagaalka Ruushka iyo Yukrayn wuxuu ka socdaa dhulka Yukrayn iyadoo ciidamada labada waddan ay kala riixanayaan magaalooyinka waawayn.
Dagaalku wuxuu galay todobaadkii labaad oo xidhiidh ah inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya heshiis xabbad joojin ah oo la xidhiidha hawlaha gargaarka iyo dadka qaxaya oo dhinacyadu ay isla qaateen, sida lagasoo xigtay wada hadalada wareegii labaad galay ee ka socda xadka Pelarus iyo Yukrayn.
Kherson weli waxay tahay magaalada keliya ee ciidamada Ruushku ay si buuxda gacanta ugu hayaan iyagoo ka saaray ciidamadii Yukrayn, welina kusii fidaya dhanka koonfurta.
Saacadihii ugu danbeeyay waxay ciidamada Ruushku hareereeyeen magaalo xeebeedka Mariupol oo muhiim u ah in ay ciidamada Ruushku dhanka xeebta kasoo fidaan.
Dawladda Ruushku waxay xidhay telefishanada dhaliila duullaanka Ruushka oo dhan waxaana u danbeeyay telefishanka TV Rain oo albaabada loo laabay. BBC ayaa sidoo kale laga mamnucuay dalka Ruushka.
Markab siday saanado xamuul ayaa dhanka kale ku degay xeebaha Yukrayn. Ciidamada Ruushka ayaa beegsaday, iyadoo la la’yahay 4 badmaaxe waana markabkan laga lahaa Estonia.