Ciidamada Ruushka iyo Yukrayn ayaa weli ku dagaalamaya gudaha waddanka Yukrayn.

5,500 oo qof ayay Yukrayn sheegtay in laga saaray furimaha hore ee dagaalka magaalooyinka colaaddu sida wayn u samaysay.

Hay’adda ICRC waxay ka dayrinaysaa xaaladda magaalada Mariupol ee xeebta dhacda. Waxay ku baaqday hadii dhinacyadu ay heshiis ka gaadhi waayaan magaalada ay horseedi doonto musiibo bini aadamtinimo.

Xogo soo baxaya ayaa tilmaamaya suurtagaljimada taageero uu Shiinuhu u fidiyo dalka Ruushka.

Maraykanka ayaa sheegay in ay ogaadeen  in dawladaha Ruushku ay taageero waydii satay dalka Shiinaha.

Moscow waxay ka dalabatay Shiinaha taageero hub iyo sidoo kale mid dhaqaale.

Isniinta maanta ayay mar kale wada hadal iskugu imanayaan Yukrayn iyo Ruushku sida ay sheegeen saraakiisha labada waddan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga