Dagaalka ayaa kusii xoogaysanaya gobolka Tigrayga ee dhaca waqooyiga dalka Itoobiya. Kumanaan qof ayaa ku babaracakay dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada xukuumadda Abiy Ahmed iyo xoogaga Tigrayga ee sheegnaya awoodda gobolka.

Sudan ayaa sheegtay in ay diwaangalisay qaxooti ka badan 6000 oo qof oo kasoo tallaabay dhanka xadka Itoobiya, kuwaas oo guryahooda uu dgaaalku ka saaray.

Waxa la filayaa in dad ku dhaw nus milyan qof ay maalmaha soo socda u cararaan dhanka dalka Sudan, sida la saadaalinayo iyadoo kooxaha gargaarkuna ay dalbanayaan kaalmo si aanay u dhalan xaalado bini aadantinimo oo halis ahi.

Xukuumadda Abiy waxay sheeganaysaa in ay dishay ku dhawaaad 600 oo ka mid ah dagaalamayaasha Tigrayga, iyadoo balanqaaday in ay xorayn doonto gobolka waa sida ay hadalka u dhigeene.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga