Magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo waxa shalay ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo daacad u ah maamulka Jubbaland, kana amar qaata wasiir Janan, wasiirka amniga Jubbaland.

Xaalada ammaanka deegaanka ayaa saaka deggen, kadib dagaalada shalay. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aanay wax isku-dhac ahi jirin maanta oo Salaasa ah.

Cabsida dagaalka ayaa goor kasta taagan, waxaana dadka deegaanka ay ka baqayaan in dagaalku uu dib u bilaabmo.

Xoogaga iskasoo hor jeeda ayaa wali ku sugan deegaanka, iyadoo ciidamada dawladdu ay rabaan in meesha ay ka saaraan kuwa Jubaland oo ku xoogan Gedo, balse waxay la kulmayaan iska-caabbin xoogan.

Illaa 5 qof ayaa dagaalkii shalay ku dhintay, halka dad kor u dhaafaya 10 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga